Abiy Axmed Oo 100 Gabdhood Oo Ku Dhibaataysnaa Sudan Dib Usoo Celiyey

Khartoum, (HCTV ) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa dhamaystiray qorshihiisii socdaal uu ku tagay dalka Sudan, kaas oo Addis Ababa ku soo celiyey tiro ka badan 100 Gabdhood oo ku dhibaataysnaa dalka Sudan.

Kuwa dalka Ethiopia lagu soo celiyey ayaa waxa ku jira xubno dhawaan laga soo daayey xabsiga dalka Sudan, halkaas oo qaar ka mid ahi ay xidhnaayeen mudo ka badan 20 sanadood, sida ay warbaahintu ku waramayso.

Waxaana dadkani ay sheegeen in dambiyo kala duwan ay ugu xidhnaayeen xabsiyadaasi ku yaala dalka Sudan.

Talaabadan oo hay’adda xuquuqal Insaanka ee Human Rights Watch ay warbixin ka soo saartay maalintii khamiistii ayaa sheegtay in Tahriibayaasha Ethiopian-ka ah ay dhimasho ka soo gaadho inta ay ku jiraan socdaalka dhulka iyo badda ee ay ku doonayaan inay shaqo kagaga raadsadaan dalka Sucuudi Carabiya, oo tiro badan dib loo soo celiyo iyaga oo faro-madhnaan jooga.

Waxaana warbixintu ay intaasi ku dartay in markii la waraystay Tahriibayaasha dib loogu soo celiyey Addis Ababa ee laga soo celiyey dalka Sucuudiga ay sheegeen in ay la kulmeen gaboodfalo ay kala kulmeen mukhalasiintii tahriibinaysay intii ay ka gudbinayeen Badda Cas ee ay gaadhayeen gacanka Carabta.

Hase yeeshee, qaar badan oo Ethiopian ah ayaa falceliyey hawlgalkan Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed uu ku soo celinayo dadka Ethiopian-ka ah ee ku dhibaataysan xabsiyada dalka Suudaan, kuwaas oo hawlgalkaasi Raysal Wasaaraha ku tilmaamay mid guul ah, waxaanay ku booriyeen in shaqo loo abuuro dadkaasi dalka shaqo la’aanta uga cararaya.

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa ka mid ah hogaamiyeyaal Afrikan ah oo socdaal ku tagay Khartoum si ay markhaati uga noqdaan Heshiis Taariikhiya oo ay kala saxeexanayaan Xoogagii doonayey Isbadalka iyo Xornimada Sudan ee Rayidka ahaa iyo Golaha Milatariga ee dalka Sudan oo maanta heshiis kala saxeexday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLIN-KA.