Chef. Maliha Mohammed Oo Jabisay Rikoodh U Yaalay Cunto Karinta Aduunka

California, (HCTV) – Maliha Mohammed oo ah Dabaakh ama cunta kariye, ayaa jabisay rikoodhka tartanka caalamiga ah ee cunto karinta.

Dabaakhan ama cunto karisadan ka soo jeeda magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa 68 saacadood ku jabisay rikoodh hore u haystay dabaakh Rickey Lumpkin oo ka soo jeeda California dalka Maraykanka oo ku haystay 68 saacadood iyo 30 daqiiqo tartanka cunto karinta Dabaakhyada Aduunka.

Masuuliyiinta Mombasa ayaa ugu hambalyeeyey Haweenaydan Maliha Mohammed guushan ay gaadhay.

Badhasaabka Mombasa, Hassan Joho ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay hambalyo uu u diray Maliha Mohammed, kaas oo tilmaamay in guushaasi ay meel ka siinayo dalka Kenya, khariirada ama Map-ka aduunka.

“Hambalyo Chef Maliha. Guushaadu maaha oo kaliya mid ay ku farxaan reer Mombasa iyo reer Kenya oo kaliya, balse waxa ku faraxsan dhamaan qaarada oo dhan. Qof ahaana waxa aad dhiirigaliye weyn u tahay halganka iyo hal-adayga haweenka Afrika, waxa dhiirigalin leh in kulaylka iyo hurdo la’aanta aad 75 saacadood aad ku soo bandhigto xirfadaada cunto-karineed,” ayuu yidhi Mr Hassan Joho, badhasaabka Mombasa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.