Maamulka Gibraltar Oo Diiday Dalab Maraykanka Uga Yimid

Gibraltar, (HCTV) – Gibraltar ayaa diiday codsi uga yimid dawlada Maraykanka oo uu ku doonayo in la qabto Markabka Iran ee shidaalka sida oo ah xudunta khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeyey Iran iyo dalalka Yurub.

Bishii July 4-teedii ayay ahayd markii Ciidamada Badda ee British Royal Marines ay markabkaasi ku qabteen meesha la yidhaa Gibraltar, kadib markii looga shakiyey inuu shidaal u sido Suuriya, oo is-bahaysi la ah dalka Iran, iyo inuu ku xadgudbayey cunaqabataynta Midawga Yurub.

Maamulka Gibraltar ayaa sheegay in dalabka Maraykanku ku doonayo in loo qabto Markabkaasi aanay khusayn cunaqabataynta uu ku soo rogay Maraykanku Iran una oolin dalalka Midawga Yurub.

Maalintii Khamiistii ayay ahayd markii Maxkamada Sare ee maamulka Gibraltar ay ku dhawaaqday inay sii daysay Markabka Iran ee Ciidamada Ingiriisku qabteen, balse maalintii Jimcihii ayaa waaran uu soo saaray dalka Maraykanku uu ku dalbaday in la qabto markabkaasi mar kale, balse waxa gaashaanka ku dhuftay maamulka Gibraltar oo iyagu sii daayey Markabkaasi dalka Iran.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.