Madaxweynaha Somalia Oo Lagu Soo Dhaweeyey Djibouti

Djibouti, (HCTV) – Madaxweynaha dawladda Federalka ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa socdaal ku tagay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Weftiga Madaxweynaha Somalia ayaa waxa garoonka diyaaradaha Jabuuti kaga hortagay oo ku soo dhaweeyay Raysal Wasaraaha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaadhsiinta iyo xubno ka tirsan goleyaasha Jabuuti.

Maalinta barito ayaa la filayaa in labada Madaxweyne ee Somalia iyo Djibouti ay kulmaan, isla markaana ay ka wadahadlaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee mandaqada, khaasatan danaha iyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Somalia iyo Djibouti.

Socdaalkan Madaxweynaha Somalia uu ku tagay dalka Djibouti ayaa la sheegay inuu daaran yahay sidii labada dal ay usii xoojin lahaayeen xidhiidhada iskaashiga, ka wada shaqaynta  danaha labada dawladood iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Safarkan Madaxweynaha Somalia waxa ku wehelinaya Wasiirka Boosaha iyo Isgaarsiinta dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadiisa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.