Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Sheegay In Magacaabista Guddida Doorashadu Dastuurka Ka Horimanayso

Garoowe, (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland aanu wax wadatashi ah kala yeelan Madaxweyne ku xigeenka guddida doorashada Puntland oo maalintii shalay uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni.

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland ayaa intaasi ku daray in maadaama oo aanu Madaxweyne ku xigeen ahaan kala tashan Magacaabista guddidaasi doorashadu ay ka hor imanayso qodobada dastuurka,

Qoraalka uu Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland Axmed Karaash uu arintaasi ka soo saaray ayaa u dhignaa sidan:-

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.