Qarax Aroos Lala Beegsaday Oo Dilay 63 Qof Iyo Dhaawaca 180 Kale

Kabul (HCTV) – Qarax lala beegsaday Hool ay ka socotay Xaflad Aroos Caasimadda Dalka Afghanistan ee Kabul ayaa waxa ku dhintay 63 Qof, waxaana ku dhaawacmay 180 Kale.

Goob-joogeyaal ayaa Warbaahinta u sheegay in Ruux isa soo miidaayey oo Waxyaabaha Qarxaa ku rakibnaayeen uu is Qarxiyey Xafladda Arooska oo socota.

Qaraxan oo dhacay Saacaddu markay Afghanistan ahayd 22:40 oo waafaqsan (18.10 GMT) ayaa ka dhacay Galbeedka Caasimadda Kabul, halkaasi oo ay ku badan yihiin Bulshada Shiicada ahi.

Ururka Daalibaan wuu diiday inuu ka dambeeyay Qaraxa Dadka badan ku dhinteen, illaa haddana ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxan.

Ururrada Mitidiinta ah ee Suniyiinta ah ee Daaliban iyo Daacish ayaa bartilmaameedsada Dadka Hazara oo ah Bulsho Shiico ah oo lagaga tiro badan yahay Dalalka Afghanistan and Pakistan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka