WADDANI Oo Ka Baxay Heshiis Xisbiyadu Ku Kala Saxeexdeen Madaxweynaha Hortiisa

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka baxay heshiis saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ka gaadheen in lagu soo afjaro Khilaafka dib u dhaca doorashooyinkaasi, heshiiskaasi oo dhigayey in laba Xubnood oo cusub lagu soo daro Guddiga doorashooyinka.

WADDANI ayaa heshiiska ka baxay, ka dib markii Shalay La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiilladu uu sharci-darro ku tilmaamay isla-markaana uu laalay Mooshin qayb ka ahaa heshiiska xisbiyada oo Xildhibaanno Gole-weynaha kaga dalbanayeen in dhaqan-gelinta in laba Xubnood cusub lagu daro komiishanka, qodobkaasi oo ahaa ka ugu weyn ee WADDANI.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Wax wax aad loogu qoslo ah oo layaabna leh heshiiskii Madaxweynuhu hormoodka ka ahaa ee Miiskiisa lagu saxeexay ee Saddexda xisbi Qaran Guddoomiyeyaashoodu ay wax ka saxeexeen, ee aan Qaranka cidi u maqnayn, beesha caalamkuna inagala shaqaysay markhaatigana ka ahayd in la yidhaahdo Inan Looyar ah ayaa diiday oo yidhi waa sharci-darro, oo Madaxweynaha iyo Intaas oo dhami waxay isku raacday waa Sharci-darro.”

Xirsi wuxuu in la laalo Mooshinkii loo gudbiyey Golaha Wakiillada uu ku eedeeyay Xukuumadda “Waxa muuqata Xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyneheedii saxeexay in si indho la’aan ah heshiiskii u buriyeen, maaddaama oo ay buriyeen oo ay ka hor-yimaaddeen Qodobbadii heshiiska Annagana Mowqifkayagu waa inaanu ka baxnay, WADDANI ahaana heshiiskaasi nama qabto, laga bilaabo Maanta heshiiskaas uma xidhnin, waxaanuse ogol nahay haddii Miiska Wada-hadalka la isugu yimaaddo oo hawshii dib loo wadayo oo ay ka noqdaan khaladkooda, Annaguna wixii maslaxadda Qaranka ah ka ganac taagan mayno..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay tuhunsan yihiin in Xukuumaddu masuul ka tahay in La-taliyaha Sharcigu uu buriyo Mooshinka heshiiska qaybta ka ahaa ee loo gudbiyey Golaha Wakiillada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka