Xuutiyiinta YEMEN Oo Magacaabay Safiir U Fadhiyi Doona IRAN

Yemen (HCT) – Jabhadda Xuutiyiinta ee dagaalama Dalka Yemen ayaa Magacaabay Safiir u fadhiyi doona Dalka IRAN, Maalmo ka dib markii Wefti ka socda Xuutiyiintu la kulmeen Hoggaamiyaha ugu sarreeya IRAN Ali Khamenei.

Safiirka Xuutiyiintu u Magacaabeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN oo Magaciisu yahay Ibrahim Mohammed Al-Dailami ayaa sheegaysa heerka uu gaadhsiisan yahay Xidhiidhka IRAN iyo Xuutiyiinta.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen Abdulmalik al-Houthi ayaa Telefiishan ka sheegay in Xidhiidhka Xuutiyiinta iyo IRAN uu ka sii wanaagsanaan doono sidii hore “

Dawladda Beesha Caalamka Aqoonsan tahay ee dalka Yemen ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi ayaa xidhiidhkii diblumaasiyadeed u jartay IRAN sanadkii 2015-kii, iyadoo xilligaa ku eedaysay inay taageerto Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa hore sidoo kale Safiir ku leh Dalka Suuriya, sida uu baahiyey Wargeyska Bloomberg oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka