Dawladda Qadar Oo Dhisaysa Dekedda Magaalada Hobyo

Muqdisho (HCTV) – Dowladda Qatar ayaa shaacisay in ay bilaabayso Dhismaha Dekedda Magaalada Hobyo ee Maamul-gobolleedka Gal-mudug ee Soomaaliya.

Sidaa waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha ee Dawladda Qadar Abdulrahman bin Jassim Al Thani oo ka mid ah Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda ee Qadar oo Maanta booqasho ku tagey Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradaha Dekedaha ee Qadar Abdulrahman bin Jassim Al Thani oo ay si wada-jir ah Shir-jaraa’id u wada qabteen dhiggiisa Soomaaliya ayaa sheegay in Dawladdiisa Qadar ay dhisayso Dekedda Hobyo.

Dhinaca kale, Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda Qadar iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay Shir fool ka fool ah, waxayna ka wada-hadleen arrimo badan.

La Soco Warkan oo Faahfaahsan

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka