Nin Shacab Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Laascaanood

Laascaanood, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay lagu dilay nin shacab ah, kaas oo ciidamada amaanka ee Somaliland oo iyagu habeenimadii u dambeeyey halkaasi ka waday hawlgalo lagu sugayo amaanka isla markaana lagu qabqabanayo dadka hubka sharci darada ah sita.

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha HCTV ee magaalada Laascaanood, Cabdiraxmaan Olol ayaa tilmaamay in dad ka ag-dhawaa goobtii ninkaasi lagu dilay ay xaqiijiyeen in ciidamadu ay rasaas ku fureen ninkaasi oo watay gaadhi Nooho ah sidoo kalena sitay qorigiisa.

Inta badan deegaanada Bariga Somaliland ayaa wax iska caadi ah in qaar ka mid ah shacabku ay iska sitaan hubkooda.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Bixin ayaa iyaguna sheegaya in Maamul goboleedka Puntland ay usoo rareen deegaankaasi Kantarool ku yaalay duleedka magaalada Garoowe.

Waxaanay wararku intaa ku darayaan in dadka deegaanka ay warqad codsi ah u direen Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland in uu ciidamada iyo Kantaroolkaasi cusub ee uu soo dhigay deegaanka Bixin uu dib uga qaaday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.