Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Mowqifka Wakiilka QM Ee Doorashada Jubbaland

Nairobi, (HCTV) – Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaadday  inay ka walaacsan tahay warqad uu 17-kii bishan soo saaray ergeyga Xogahayaha Guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan, taas oo ku saabsanayd doorashada Madaxtinimada ee Maamul goboleedka Jubaland.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay ka walaacsan tahay dalabyada James Swan uu la yimid ee uu shuruuda uga dhigay qabsoomidda doorashada madaxweynaha Jubbaland, inkasta oo guddida doorashada uu fuliyey dalabyadii hore ee beesha caalamka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in guddida doorashada Jubaland xilli uu wajahayey caqabdo adag, uu xaqiijiyey in doorashadu noqoto mid dhex-dhexaad ah oo la isku haleyn karo.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Wakiilka Qaramada Midoobay warqad uu u diray  guddida doorshada Jubaland ku sheegay in natiijada doorashada madaxweynaha Jubaland aanay heli doonin taageero buuxda haddii aan hanaanka doorasho lagu sameyn is-beddelo ay dalbatay beesha caalamka.

Kenya waxay ka digtay in dib u dhacdo mar kale lagu sameeyo doorashada Jubaland ay dhaawac gaadhsiin karto xasiloonnida Soomaaliya, iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale, xukuumadda Nairobu  ayaa beesha caalamka uga baaqday inay dowladda federaalka Soomaaliya kala shaqeeyaan taageeridda gudduga doorashada Jubaland, si hanaanka doorashada Jubaland loogu soo geba gebeeyo waqtigii loo gooyey.

Baaqa Kenya ayaa ku soo aadday xilli maanta dhowr musharrax oo uu ka mid yahay madaxweynaha xilka haya ee Jubbaland ay ka hor jeediyeen Baarlamaanka cusub ee Jubbaland khudbada musharraxnimo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.