Axmed Madoobe Oo Kulan La Qaatay Xildhibaannada Cusub Ee Maamulka Jubbaland

Kismaayo, (HCTV) – Madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee maamul goboleedka Somalia ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulan la yeeshay xubnaha xildhibaanada cusub ee maamul goboleedkaasi.

Kulankan Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmaya xili maaalinta berri lagu wado in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Jubbaland, waxaanu musharax Axmed Madoobe oo markii saddexaad u taagan xilkan Madaxweynenimo uu xalay kulan la yeeshay xildhibaannada cusub ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaannada cusub  ka dalbaday in ay codkooda siiyaan si markii saddexaad uu u noqdo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa oo joogay guddoonka  Baarlamaanka Jubbaland, iyaga oo gaar ahaan diiradda saaray sidii ay nabad-galyo ugu dhici laheyd doorashada maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22ka bishan Augusto.

Maamulka Jubbaland ayaa xalay ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay Cirka, Dhulka iyo Badda,isla markaana aysan jirin cid soo geli karta Magaalada ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.