Addis Ababa (HCTV) – Ururrada siyaasadda Wadanka koonfurta suudaan ayaa wada-hadallo uga bilaabmeen Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.
Wada-hadalladan ka socda Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa la sheegay inuu ku aaddan yahay sidii loo hirgelin lahaa heshiiskii ay hore u wada gaadheen dhinacyada Suudaan.
Geeska kale, kulankan ayaa lagu soo qaaday inayna urur Goboleedka IGAD ayna heerkii loo baahnaa Ballan-qaadkii Taageero kasoo bixin, iyadoo Sidoo kale Hoggaanka Sare ee koonfurta Suudaana lagu dhaliilay in ayna heshiiska sidii loo baahnaa u fulin.
Wasiirka Arrimaha dibedda Itoobiya, Gedu Andhaargaajew ayaa ururrada siyaasadda koonfurta suudaan ugu baaqay inay heshiiskii nabadeed ee ay gaadheen si wanaagsan u hirgeliyaan.
Wasiirka sheegay in xabad joojintii koonfurta suudaan laga hirgelyey ay aad u dhintay dagaalladii dhiiggu ku daadanayey, Qalalaasihii iyo dagaalladii sokeeye ee waddanka ka taagnaa, hasa-yeeshee aan xiligii loo qabtay lagu hirgelin nidaamyadii heshiiska.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka