Xukuumada Somaliland Oo Go’aan Iyo Amaro Ka Soo Saartay Wakiilada Maraakiibta Oo Shaqo Joojin Sameeyey

Hargeysa, (HCTV) – Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Somaliland Mustafe Maxamuud Cali ayaa go’aamo iyo amaro ka soo saaray shaqo joojin ay sameeyeen Wakiilada Maraakiibta shixnada keena dekeda Magaalada Berbera.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in guddi Madaxweyne Muuse Biixi uu u saaray inay soo baadhaan sababta keentay in dekeda Berberi ay uga qaalisanaato dekedaha jaarka ah ay markii Warbixintaasi ay soo dhamaysteen ee ay ku ogaadeen in Wakiilada Maraakiibta ee (liners-ku) ay sabab u yihiin ay ku dhaqaaqeen inay shaqo joojin sameeyaan Wakiiladaasi.

Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Somaliland, Mustafe Maxamuud Cali, waxa uu sidaasi ku sheegay Shir-Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo faahfaahin ka bixiyey Go’aamo iyo Amaro ay xukuumadu ka soo saartay Wakiiladaasi Xafiisyadii ay ummadda ugu shaqaynayeen xidhay oo uu ku tilmaamay talaabo dambi qaran ah, sida uu hadalka u dhigay.

Mustafe Maxamuud Cali, Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Ganacsiga iyo Maareeyaha dekeda Berbera, waxay hore u sameeyeen cilmi baadhis ku saabsan maxay dekeda Berberi uga qaalisan tahay dekedaha jaarka ah, waxa noo soo baxday oo warbixintaa ka soo baxdxay in qaaligaasi uu ka imanayo wakiilada maraakiibta ama Liners-ka, iyadoo markii research-kaasi dhamaaday uu madaxweynaha qaranku uu u xilsaaray guddi arintaasi, guddidaasi oo ka koobnayd Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maareeyaha dekeda Berbera.

Markii baadhistaasi ay soo dhamaysteen guntii iyo gabagabadii waxa usoo baxday habka wakiilada Liners-kak ahi ay ula macaamilaan ganacsatada ama lacagta ay ka qaadaan inay ka qaalisan tahay lacagta dekedaha deriska ah laga qaado, tusaale ahaan halka dekeda Jabuuti lagaa qaadayo marka aad sidato alaabtaada oo laguu xisaabinayo by ownership, hadaad laba container sidatid iyo hadaad saddex container sidatid, hal delivery order ayaa laguu jarayaa intaas ayaad lacagteeda bixinaysaa  ama toban sido ama shan iyo toban container sido, halka Wakiilada dekeda Berberi ay ka qaadaan calaa container qofkii uga qaadaan 155 dollar.

Guddidaa madaxweynuhu u xilsaaray ee heerka qaran ah ee Wasiirada ahi waxa ay soo saareen go’aan, go’aankaasi oo dhaqangalkiisu uu ahaa maanta, ujeedadiisuna ay ahayd sida looga macaamilo dekedaha jaarka ah ee tartanka kula jira dekeda Berbera siday u dhaqmaan inay u dhaqanto dekeda Berberina ama wakiilada joogaana ay ummadda ula dhaqmaan.

Go’aankaa la soo saaray maanta oo bishu tahay 21-ka 8/2019-ka ayuu dhaqangal ahaa, nasiibdaro wakiiladii maraakiibtu may dhaqan galin, waxay ku kaceen shaqo joojin, waxay xidheen dhamaan xafiisyadii iyo shaqadii ay shacabka ugu adeegayeen, taas oo ah dambi qaran, maantana ay xaqiiq tahay oo la soo xaqiijiyey inay xafiisyadoodii xidheen halkii laga rabay inay hirgaliyaan amarkii Madaxweynaha iyo guddidii Madaxweynuhu u xilsaaray iyo arintaa qodobadii laga soo saaray si toos ah ayay u diideen, xafiisyadoodii ayay wada xidheen, arintaasina arin yar maaha dambi qaran weeyi, dawladduna insha allaahu talaabada ku haboon ayay ka soo saari doontaa mudo 24 saacadood gudahooda hadii aanay ku furin oo shaqadii ay shacabka u hayeen aanay qaban nimanka wakiilada maraakiibta ah.” Ayuu yidhi Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Mustafe Maxamuud Cali.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.