Axmed-Madoobe Oo Loo Doortay Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo (HCTV) – Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu soo gebogabeeyay Magaalada Kismaayo, ka dib markii uu doorashadaa ku guulaystay isla-markaana Madaxweynaha Afarta sannadood ee soo socda Hoggaaminaya Jubbaland loo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe).

Doorashada oo ay ku tartameen Musharraxiinta kala ahaa Axmed Maxamed Islaam oo ahaa Madaxweynihii hore ee Jubbaland, Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Maxamuud, ayaa waxa ku guulaystay Axmed-madoobe.

Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa helay 56 Cod, Canab ayaa iyaduna heshay 17 Cod, halka Musharraxa Saddexaadna helay 1 Cod.

Madaxweynaha la doortay ayaa waxa markiiba xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka