Dawladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Doorashadii Jubba-land (Akhri)

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo horjeedsatay Doorashooyin kala duwan oo ka dhacay Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo lagu kala doortay laba Madaxweyne.

Laba doorasho Madaxweyne oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa waxa Midkood Madaxweynaha Afarta Sannadood ee soo socda loogu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe) oo hore u hayey Xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Taa beddelkeedana, Xildhibaannada Baarlamaanka dhawaan musharixiinta Isbeddel-doon ahi kaga dhawaaqeen Magaalada Kismaayo ayaa iyaguna sheegay inay Madaxweyne u doorteen dhankooda Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, arrintaasi oo murgisay khilaafkii ka taagnaa doorashada Jubbaland.

Laakiin, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aanay aqoonsaneyn natiijada doorashadii Kismaayo, kana walaacsan tahay shaqsiyaadka kala duwan ee mid walba uu gaarkiisa u sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:-

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka