Xuutiyiinta Oo Soo Riday Diyaarad Maraykanku Leeyahay (Akhri)

Yemen (HCTV) – Diyaarad Drone ah oo Millateriga Maraykanku leeyahay ayaa lagu soo riday Dalka Yemen.

Diyaaradda ayaa lagu soo riday Koonfurta-bari ee Magaalada Sanca oo ay Maamulaan Kooxda Xuutiyiintu, sida ay laba Masuul oo Maraykan ahi u sheegeen Wakaaladda Wararka ee Reuters oo HCTV soo xigtay.

Afhayeen u hadlay Ciidammada Xuutiyiintuna wuxuu sheegay in Ciidammadoodu ay Arbacadii dhulka sii dhigeen Diyaarad Drone ah oo Maraykanku leeyahay, laakiin Masuuliyiinta Maraykanka ah ee Reuters la hadlay ayaa sheegay in diyaaradda la soo riday Xilli dambe oo Salaasadii ah.

Tani maaha Diyaaraddii ugu horraysay ee Maraykanka lagaga soo rido Yemen, balse Bishii June ayaa sidan oo kale diyaarad Drone ah oo Hawl-gal ka wadday Yemen la soo riday.

Ciidammada Maraykanka ayaa hore Yemen uga bilaabay Duqaymo ay ku beegsanayaan Al-qaacidada Yemen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka