Somaliland: Wargeyska Foore Oo 7 Bilood Ka Dib Xayiraadii Laga Qaaday

Hargeysa, (HCTV) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Masuuliyiinta Wargeyska Madaxabanaan ee FOORE ayaa sheegay in Maxkamada Racfaanka Somaliland ay ka qaaday xayiraadii saarnayd Wargeyskaasi.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland, Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin xukunkaa Maxkamada Racfaanku ay soo saartay ee ay xayiraada kaga qaaday Wargeyska Madaxabanaan ee FOORE.

Gudoomiye Xuuto isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Maxkamada Racfaanka oo maanta xayiraadii ka qaaday Wargeyska FOORE oo muddo todoba bilood xayirnaa oo maxkamada gobolka Maroodi-jeex ay xayirtay. Markii la xayiray ururka iyo dhamaan bahda saxaafada Somaliland iyaga oo ku qanacsan shuruucda dalka waxa ay qaadeen waddo ay cabashadoodii ku muujinayaan oo ah ta sharcigu noo jideeyey oo ah in maxkamada ka saraysa ee Rafcaanka ah, maadaama oo go’aankaa hore ee Maxkamada Gobolka ka soo baxay runtii aanaan ku qancin in aanu u qaadano oo nidaamkaa sharciga ah anaga oo ixtiraamayna oo qadarinayna qaranka iyo dastuurka iyo shuruucda dalkaba in aanu marno wadadaasi, walow ay nagu qaadatay muddo dheer oo imika todoba bilood ku dhawaad ah, oo ah runtii caqabad marka cabasho laga qabo ama laga qaato go’aan soo baxay mudada ay qaadanaysaa ay dheertahay runtii oo mudadaa hadii la fududayn lahaa nidaamka sharci ee dalkeena ay ka hawlyaraan lahayd sidan oo aanu qabno in go’aankaasi uu wakhti hore soo bixi lahaa.

Hase yeeshee waxa aanu ku qanacsanahay hanaankaa iyo go’aanka maanta Maxkamadu soo saartay oo ay xayiraadii kaga qaaday wargeyska FOORE oo mudadaa todobada bilood ah xayirnaa, hore xukunkii Maxkamada waxay ugu xukuntay mulkiilaha iyo tifaftiraha wargeyskaasi lacag ganaax ah oo dhamayd saddex milyan oo shilinka Somaliland ah, ururka SOLJA maalintiiba lacagtaasi wuu bixiyey si fursad iyo xoriyad uu u helo Tifaftiraha oo markaas la xayiray maalintii xukunkaasi soo baxay,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, oo ka hadlayey go’aanka Maxkamada Rafcaanku ay xayiraada kaga qaaday Wargeyska FOORE oo hore uga soo bixi jiray Somaliland intii aan la xayirin todoba bilood ka hor.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.