WADDANI Oo Ka Hadlay Ciidammo Somaliland U Joogay Badhan Oo Puntland Ku Biiray

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay Ciidamo Somaliland u joogay degmada Badhan ee Bariga Sanaag oo Shalay u ku biiray Ciidammada Puntland.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI, Barkhad Jaamac Xirsi oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Cimriga Somaliland 30 Sanadood ayuu galayaa, Ilaa Maalintii lagu dhawaaqay Somaliland illaa Maanta waa markii koowaad ee (Calanka Somaliland) dhulka la dhigo, dhaliisheeda iyo Ceebteeda Cidda uu korka ka saaran yahay waa Cidda Talada dalka haysa oo uu ka kow ka yahay Madaxweynuhu, oo uu laba ka yahay Wasiirka Amnigu.”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay “Magaalada Badhan badhtankeeda, Guutada 117 oo ahayd guuto aad iyo aad miisaan ugu lahayd Ciidammada Qalabka sida ee Qaranka Somaliland, Xeradoodii iyagoo jooga, Ciidan soo weerarray aanay jirin ayay si laabtooda ka soo go’day ugu biireen Puntland, cabsi waxay naga haysaa Sanaag-bari Galbataye in Gobollo kale oo Somaliland ahi ay socon doonaan…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “ilaalinta xuduudaha Qaranku waxay u baahan tahay hoggaamin xil-kasnimo leh ee uma baahna Hoggaamin Xoolo urursi.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka