Bangladesh: 200,000 Rohinga Ah Oo Xero Qaxoonti Isugu Soo Baxay

Kutupalong, (HCTV) –  Kumanaan qoxootiga Muslimiinta Rohingya ayaa isugu soo baxay dibadbax ay ku muujinayaan xaaladooda laba sanadood ka dib markii dagaal Isir-Sifayn ah ay kala kulmeen dalkooda Myanmar.

Qaxoontigan tirada badan ee qoomiyada Rohinggya ayaa isku soo baxan ay ka dhigeen dalka Bangaladesh waxa ay ku dalbadeen in dalkooda Mayanmar looga ogolaado dhalashada ay xaqa iyo in xuquuqo kale ka hor inta aan dib loo celin.

Xuska sanadguurada labaad ee markii la soo barakiciyey Rohingya oo ay ka qaybqaateen 200,000 ayaa si nabadgalyo ah isugu soo ururay xerada qoxoontiga ee  Kutupalong oo ku taala dalka Bangladesh maanta oo Axad ah, sida ay Saraakiisha bileysku ay u xaqiijiyeen wakaalada Wararka ee AFP oo HCTV ka soo xigtay.

Waxaana dibadbaxan ka soo qaybgalay dhamaan Caruurta, Dumar Xijaaban iyo Ragg, kuwaas oo dareenkooda ku soo jeedinayey beesha caalamka, si wax looga qabto xaaladdaha haysa, isla markaana dalkoodi dib loogu celiyo iyagoo haysta damaanad.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.