AKHRI: Prof. Cabdi Cali Oo Falanqeeyey Hadalkii Tilayaha Milatariga Somaliland Iyo Ciidamadii U Goostay Puntland

Hargeysa, (HCTV) – Professor Cabdi Cali oo falanqaynayey hadaladii shalay  ka soo yeedhay Taliyaha guud ee Ciidamada Milatariga Somaliland iyo Goosashadii Ciidamada Somaliland ee Badhan ay u goosteen dhinaca Puntalnd oo HCTV u waramay ayaa waxa uu yidhi “Inaga miisaaniyadeena (budget) inta badan waxay ku baxdaa ciidamadeena kala duwan, ciidamada qaranku ha u bataane ayuu ku baxaa miisaaniyadeena inta u badan ayay ku baxdaa boqolkiiba 50% hadaanay ka badnayn. Markaa runtii ciidamada bariga oo kale Miisaaniyad badan ayaa ku baxda sababtana waa la garanayaa oo waxa weeyi wadanku waa wadan aad u kala fog ciidamaa jooga, Puntland ayaynu inta badan isku haynaa ama Somalia ayaynu isku haynaa xuduudii, markaa siyaasadu way kulushahay oo markaa kharash badan ayaa ku baxa.

Uma arko hadal uu taliyuhu yidhi ee waxaan u arkaa hadal ka soo baxay xukuumada, markaa waa siyaasad xukuumadeed, markaa siyaasadii xukuumada waxa isweydiin leh, miyey ka tanaasushay oo ay ilawday in gobolka barigu uu gobol kulul oo la isku hayo, marka laga hadlayo kharashka uu ku hayo ay ka miisaan badan tahay ahmiyada uu u leeyahay dhamaystirka dhulka Somaliland, arintu macno siyaasiya oo weyn ayay ku fadhidaye ciidamadaniye maaha afarta shilling ee ku baxaya  in la eego oo horta taasi ma qayb ka mid ah Somaliland ayaynu ka tanaasulaynaa ayay u eekaanaysaa sheekadii,” ayuu yidhi Professor Cabdi Cali.

Waxa kale oo Professor Cabdi Cali mar uu ka jawaabayey su’aal la kale oo la waydiiyey oo ahayd; goosashada ciidamadu maaha markii u horaysay, ciidamo hore ayaa goostay oo taariikhda way jirtay ciidamo xagan usoo goosta iyo kuwo xagaa u goostaba, Goosashadan u dambaysay ee keentay in dhaqaale ahaan la xisaabtamo maxay kaga duwan tahay kuwii hore? Ayaa waxa uu ku jawaabay Professorku “Runtii xukuumadan imika timid hadaad ogtahay mooyaane xagga kharashka ‘nin aanu saaxiib nahay ayaa wuxuu yidhaahdaa, meeshu bakhaar ayay noqotay habeenkii la yidhaahdo maxaa ina soo galay’ sidaasi ayay u ekaatay ayuu yidhi.

Markaa siyaasadu bakhaarna maaha, hadaad doonayso inaad afar shilin ka sheekayso (go to business) baayacmushtaree, waxa weeyi siyaasada waa lagu bixinayaa lacagta, mana aha sheekaddu sheeko milatari uun, sheekadani waa sheeko siyaasadeed weeyaan, siyaasadana kharashkeeda lama xisaabin karoba, waayo waxay ku fadhidaa qaranimadii, xuduudii baa laga hadlayaa oo la sugayaa, markaa wax kasta oo ay kugu qaadan karo waa la samaynayaa oo waad samaynaysaa mar hadaanay dhiig kugu qaadanayn oo dhiiga uunbaad iska ilaalinaysaa. Laakiin inaad dhiig ku daadiso iyo inaad lacag ku bixiso inaad lacag ku bixiso ayaa ka fudud, anigu waan ku taageersanahay xukuumadihii hore haday noqoto Tii Siilaanyo iyo haday noqoto tii Rayaaleba inay siyaasad iyo lacag ay ku sugeen ilaa bariga ugu fog ee wadanka ku sugeen oo xuduudkiisa ay ku sugeen gaar ahaan xagan Badhan inay lacag ku sugeen waan ku taageersanahay, mana qabo in la joojiyo siyaasadaasi oo waa siyaasad cusub oo ay la timid xukuumadani.

Waxaan filayaa in maanta Puntlanad ay dabaal-dagayso, waayo runtii hadyad ayaynu ku siinay bilaydh oo saxan aynu u saarnay, markaa siyaasaduna wixii lagu soo tabcayey oo xukuumadihii hore ay ku soo tabceen in maanta afar shilling adoo eegaya inaad lumiso, dhulkii iyo dadkii, runtii waa ayaan daro weeyaan, anigu ayaan daro ayaan u arkaa,” ayuu yidhi Professor Cabdi Cali oo falanqaynayey hadaladii shalaytoole ka soo yeedhay Taliyaha guud ee Ciidamada Milatariga Somaliland iyo Goosashadii Ciidamada Somaliland ee Badhan ay u goosteen dhinaca Puntalnd.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.