Isreal Oo Duqaymo Ku Bilowday Qaza

Gaza (HCTV) – Diyaaradaha Dagaalka ee Isreal ayaa duqeeyay Goobo ay leeyihiin Ururka Xamaas, xilli hore oo Isniinta Maanta ah, kuwaasi oo ku yaalla Magaalada Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta.

Duqaymaha Diyaaradaha dagaalka ee Isreal ka geysteen Qaza ayaa la sheegay inay jawaab u yihiin dhowr Gantaal oo Isreal lagaga soo tuuray dhinaca Qasa, sida uu ku warramay Telefiishanka Al-jazeera oo HCTV soo xiganayo.

Laakiin, Afhayeen u hadlay Xamaas oo Magaciisu yahay Hazem Qassem ayaa genafka ku dhuftay eedaymaha ah in Xamaas masuul ka tahay Madaafiic Qasa laga tuuray oo ku dhacay gudaha Dhulka Isreal, waxaanu Afhayeenku sheegay in aanay gantaallada ku dhacay Isreal masuul ka ahayn Ururka Xamaas.

Xilli hore oo Isniinta Maanta ah ayaa Millateriga Isreal sheegay in Saddex Gantaal oo laga soo riday Qaza ay ku dhaceen Koonfurta Isreal.

“Iyadoo laga jawaabayo (Gantaalladaasi), diyaaradaha Dagaalka ee Isreal waxay duqeeyeen Tiro ka mid ah Goobaha Ururka Argagixisada ah ee Xamaas.” ayaa lagu sheegay War Qoraal ah ka soo baxay Millateriga Isreal.

Masuul ka mid ah Laamaha Amniga ee Falastiiniyiinta ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in  duqaymaha Diyaaradaha Isreal ka geysteen Qaza aanay ka dhalanin khasaare dhimasho ama dhaawac ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka