War-saxaafadeed: Madaxweynaha Somaliland Iyo Madaxda Axsaabta Oo Kulmay Maanta

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Madaxda Xisbiyada Qaranka, waxayna ka wada-hadleen arrimo khuseeya Mooshinkii ku saabsanaa kordhinta labada Xubnood ee Komiishanka ee Golaha Wakiilladu laalay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, markii kulankaasi dhammaaday oo soo gaadhay Telefiishanka HCTV ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda axsaabta qaranka kulankaas oo lagaga wada hadlay sii amba-qaadka heshiiskii saddexda xisbi qaran ee qabsoomida doorashooyinka, oo ay kasoo qayb-galeen guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakiil ka ahaa guddoomiyaha xisbiga waddani.

Xisbiyada mucaaradka ahi waxay dareen taban ka muujiyeen qaabkii ay u joojiyeen golaha wakiilladu in ay ka doodaan mooshinkii ahaa in la kordhiyo tirada xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, waxa kale oo ay sheegeen in ay dood adag ka qabaan qaabkii uu u joojiyey ka doodista mooshinka garyaqaanka golaha wakiilladu, sidii ay horeba warbaahinta uga sheegeen.

Inkasta oo aynu filaynay in golaha wakiiladu dood geliyo mooshinka ay u soo jeediyeen saddexda xisbi qaran, haddana mar haddii garyaqaankii goluhu dood sharci ka keenay madaxweynuhu waxa uu ku taliyey in aynaan wakhti badan ku lumin dood sharci xiligan, balse laga faa’iideeyo muddada kooban ee aynu haysano,  sidaa darteed waxa uu ka codsaday labada xisbi qaran in qayb ka ahaadaan hannaanka geedi socodkii doorashooyinka ee ay horeba saddexda xisbi qaran ugu heshiiyeen.

Madaxweynuhu wuxuu labada xisbi qaran ku adkeeyey in muhiimada koowaad la siiyo qabsoomida doorashooyinka, isla markaana waxa uu u soo jeediyey axsaabta qaranka inay dulqaad u yeeshaan wixii ay u arkaan gef iyo khalad inta lagu jiro hannaanka geedi socodka doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu si cad u ballan-qaaday in la fulin doono qodobka afraad ee heshiiskii saddexda xisbi gaadheen 27-July-2019 kaasoo dhigayey in golaha wakiilada ee cusub la horgeeyo mooshinka kordhinta labada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka doorashada ka dib.

Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday jewi degan, waxaanu madaxweynuhu mar kale ka codsaday axsaabta qaranku inay sii wadaan geedi socodka doorashooyinka, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyey axsaabta qaranka dedaalka ay ugu jiraan qabsoomida doorashooyinka.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu qoraal u kala diray 25-kii-August-2019 axsaabta qaranka iyo golaha guurtida si ay u soo gudbiyaan xubnihii cusbaa ee guddida doorashooyinka qaranka si waafaqsan xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xeer Lr. 20/2001…”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.