“Burcooy, Qabiilku Waa Bakhti Ee Yaan La Idin Kala Qaybin..” Faysal Cali Waraabe (Akhri)

Burco (HCTV)  – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo Maanta kormeeray Sayladda Xoolaha ee Magaalada Burco ayaa Dadweynaha ugu baaqay inay ilaaliyaan Nabadgalyada iyo Midnimadooda isla-markaana aanay Hadalkooda maqal Dad uu sheegay inay Nabadda ku bukoodaan.

Faysal Cal Waraabe wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Dadku u tartamaan Magaalo Magaalo, balse aanay Qabyaalad ku tartamin, “Walaalayaal, waxaanu Burco ku qabsanaynaa Shirkii Golaha dhexe ee 7-aad, Walaalayaal waxaanu idinka codsanaynaa Dalkeena Nabadda inoo taalla in Shaqsiyaadka waxyeelaya ee ku nool Qalalaasaha ee Nabadda ku dhimanaya sida Xaar Wel-waalka Cadarka ku dhinta inaydaan Codkooda maqal…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Walaalayaal Magaalo Magaalo ayaa loo tartamaa, Dal dal baa loo tartamaa, Qabiil Qabiil looma tartamo, Qabiilku waa Jahli, Qabiilku waa bakhti ee yaan la idin kala qaybinin Burcooy.”

Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu Dadweynaha Burco ugu baaqay “Burco waa meeshii aynu Soomaaliya kaga baxnay, waa meel aan Munaafaqnimada aan Aqoonin, waxaanu leenahay Dadka Walaaleeya, Carruurta Jaamacadaha ku jirta..”ayuu yidhi.

Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay Dadweynaha reer Somaliland in marka la gaadho doorashada Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ay soo doortaan Dad wanaagsan oo Dadka iyo Dalkaba waxtara.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka