Dalal Soomaaliya Ku Jirto Oo Loogu Yaboohay $ 55.9 Million Dollar (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Waddamada qaadhaan-bixiyeyaasha ee Yurub ayaa Afar Waddan oo Bariga Afrika ah ugu yaboohay $ 55.9 Million Dollars, si ay uga taageeraan Xaalado Bani-aadamnimo oo ka dhashay Abaaro saameeyey Dadkooda.

Soomaaliya oo Dadkeeda ay Abaaro waxyeeleeyeen ayaa Deeqdan inta ugu badan ka helaysa, waxaana loo qorsheeyay Adduun lacageed oo gaadhaya $27.9 million, waxaana lacagtaa lagu taageerayaa Bulshada Soomaalida ee Abaartu waxyeelaysay.

Itoobiya ayaa Deeqdan ka helaysa $ 22.3 Million, Kenya ayaa iyadana loo qorsheeyay 3.3 Million, halka Ugandana Lacagtaa ka helayso $2.2 million si loola dagaalamo Macaluusha.

Celcelis ahaan, Dad gaadhaya 13 Million ayaa si deg-deg ah ugu baahan in laga kaalmeeyo Raashinka, maaddaama oo ay saamaysay roob yaraan soo noqnoqotay laba jeer,  sida lagu sheegay War uu baahiyey Wargeyska The East African oo Horn Cable Tv soo xigtay.

Hawlaha gargaar ee lagu qabanayo $55.9 million ayaa waxa fulinaya Hay’adaha gargaarka, kuwaasi oo miisaamaya siday u kala daran yihiin goobaha dhibaatooyinka jiraan, sida Wargeysku sheegay.

$55.9 million ayaa qayb ka ah 410 Million oo Midowga Yurub ugu yaboohay Gobolka illaa sannadkii 2018-kii.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka