Faahfaahin: Saddex Qof Oo Ku Geeriyooday Roob Dabaylo Watay Oo Ka Da’ay Hargeysa & 18 Dhaawacmay

Hargeysa (HCTV) – Allaah ha u naxariistee, inta la ogyahay Saddex Qof ayaa ku Geeriyooday Roob dabaylo watay oo Makhribkii Caawa ka da’ay Magaalada Hargeysa, waxaana ku dhaawacmay 18 ruux oo kale.

Khasaaraha Dhimashada, dhaawaca iyo Burburka Hantiyeed oo Roobku sababay ayaa waxa xaqiijiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo booqday Goobaha dhibaatada ka soo gaadhay Roobka, Cisbitaalka guudna ku booqday Dadkii dhaawacmay, markaasi ka dibna Xarunta Wasaaradda Warfaafinta kula hadlay Saxaafadda “Roobka oo watay dabayl xooggan oo ka horraysay dhibaato ayuu geystay, Dadka dhintay waa Saddex, Dadkaa dhintay Allaah ha u naxariisto, waynu ka Tacsiyadaynaynaa Qoysaskoodii iyo Ehelkoodii iyo Qarankaba, iyagana Ilaahay jannadii Fardowsa ha geeyo..” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Dhaawacu waa 18 Qof, Ilaahay Mahaddii dhaawaca badankiisu way ladan yihiin, wax koomo ku jiraa ma jiraan, laba Qof baa u darnaa, iyagiina hadda way hadlayaan”

Roobka oo da’ayey muddo 30 daqiiqo ku siman ayaa saqafka ka qaaday dhismayaal ku kala yaalla xaafadaha Hargeysa, sidoo kalena waxa roobku dhulka ku daa’diyey geedo waaweyn, kuwaasi oo qaarkood jidadka jaray ama gooyey “Dhibaatada Gaadiid leh, Jidad leh, ee Guryo leh way jiraan, laakiin ma badna..” ayuu yidhi Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa.

Waxa kale oo Roobku waxyeello gaadhsiiyey boodhadhka xayeysiisyada meheradaha ee jidadka Caasimadda ku yaalla “Dhibaato weyn waxa Magaalada u geystay meelihii Biyuhu marayeen oo Cidhiidhi la geliyey iyo Boodhadhka Xayeysiiska ee faraha badan oo laga sameeyay Biro culculus, kuwaasi oo aan si aan adkayn dhulka loogu qotomiyey..” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, qaybo ka mid ah Magaalada ayaa Caawa waxa ka maqan laydhka oo waa mugdi ah.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka