Roob Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Hargeysa Oo Khasaare Gaystay

Hargeysa, (HCTV) – Roob dabaylo wata ayaa ka da’ay magaalada Hargeysa abaaro 5:00 galabnimo ilaa Makhribkii, kaas oo sababay Khasaare iskugu jira mood iyo noolba.

Roobkan oo ahaa mid dabaylo xoogan wata mudo koobana ka da’ayey caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa guryo tiro badan saqafka ka qaaday ama dumiyey, halka qaybo badan oo ka mid ah Caasimada Hargeysa ay ilaa hadda laydhka ama korontadu ay ka maqan tahay.

Sidoo kale Roobkan dabaysha xoogan watay ee ka da’ay caasimada ayaa boodhadh badan oo wadooyinka ku yaalay dhulka soo dhigay, kuwaas oo waxyeelo ay ka soo gaadhay gaadiid ay boodhadhkaasi ku soo dul dhaceen.

Masuul ka tirsan Ciidamada Dab-demiska ee Caasimada Hargeysa ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta u xaqiijiyey in roobku uu sababay dhimashada ilaa saddex qof, halka tiro kale oo intaa ka badana ay dhaawacyo ka soo gaadheen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.