AKHRI: Shirka Golaha Dhexe Ee UCID Oo Burco Ka Furmay Iyo Khudbadihii Laga Jeediyey

Burco, (HCTV) – Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa shirkii 7aad ee golaha Dhexe ee xisbiga UCID ku yeeshay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer. Waxaana ka soo qaybgalay 157 xubnood oo ka mid ah Golaha Dhexe ee xisbiga UCID, masuuliyiin ka tirsan xisbiyada kale ee Somaliland, guddida diiwaangalinta ururada iyo martisharaf kala duwan.

Ugu horayna waxa munaasibadaasi ka hadlay Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga UCID, Maxamuud Cali Muuse (Jiir), waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waa kalfadhigii 7aad ee golaha dhexe ee xisbiga UCID, 181 xubnood ayuu ahaa tirada golaha dhexe, saddex meeloodow laba in ka badan ayaa joogta oo waxa jooga 157 ayaa fadhiya oo inoo fadhiya sidaasi ayaanu kooramku inoogu buuxaa,” ayuu yidhi Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga UCID, Maxamuud Cali Muuse (Jiir) oo ka hadlay furintaanki kalfadhigaasi 7aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga UCID ay ku yeesheen magaalada Burco.

Sidoo kale waxa madashii shirkaasi xisbiga UCID ka hadlay Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun, kaas oo yidhi “Xisbi kasta oo mucaarid ah iyo mid muxaafid ahba waxa loo baahan yahay in inta dib la isugu noqdo qarankan tudhaalihiisa laga shaqeeyo, masuuliyada qaranka in dalkan doorasho ka qabsoonto, bulshada kala furfurantay in dib la iskugu celiyo iyo in raadkii ay doorashadu reebtay la tirtiro, waxaanay masuuliyadaasi ay saarantahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cidina taas uguma imanayso,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batoon mar uu hadal ka jeedinayey shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga UCID uga furmay magaalada Burco.

Waxa kale oo isaguna madasha shirkaasi xisbiga UCID uu ku yeeshay Burco ka hadlay Xoghayaha guud ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Xasan Siciid kaas oo hadalkiisa ku bilaabay “Waddani doorasho Baarlamaan mabuu galinba xildhibaanada uu haystaa waa kuwii UCID, Maxay tahay caqliyada noocaas ah maalin walba caalamku waxa uu ina waydiinayaa sideebay ku dhacdaa xisbi aan doorasho Baarlamaan galin oo xisbi doorasho galay xildhibaanadiisa loo wareejiyo , dee anuu garan maayo ma Garxajis-nimaad ku amaahiseen,” ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga Kulmiye Mudane Xasan Siciid oo isagu shirkaasi Golaha Dhexe ee xisbiga UCID khudbad ka jeediyey.

Gabogabadii waxa isaguna madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kaas oo qayb ka mid ah khudbadiisa kaga hadlay kalfadhigan todobaad ee xisbiga UCID, waxaanu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe “Marna ismaan odhan Kulmiyey ku noqon doontaa Siiraanyay ku noqon doontaa, Muuse Biixi ayay ku noqon doontaa waligay ismaan odhan ee idinkaa ku celiyey, waxay yidhaahdaan Soomaalidu ‘ninkay maqal kala quusteen ayay geel u diraan’” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.