Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Mid Noqday 20 Hogaamiye Oo Afrikan Ah Oo Shir Uga Furmay Japan

Yokohama, (HCTV) – In Ka badan labaatan hogaamiye oo Afrikan ah ayaa ka qaybgalay shir caalamiya oo maanta ka furmay dalka Japan, kaas oo ku saabsan horumarinta Afrika iyo iskaashiga Japan (TICAD).

Shirkan oo noqonaya kii todobaad ee dalalka Afrika iyo Japan ay yeeshaan ayaa waxa ka soo qaybgalay in ka badan 4,500 wufuud ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isaguna ka mid ah hogaamiyeyaasha Afrika ee ka qeyb galay furitaanka shirkaasi 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama ee dalka Japan.

Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Raysal Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika.

Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta midho-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha Somalia waxa ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.