Madaxweyne Biixi Oo Ka Jawaabay Talooyin WADDANI Fagaare Uga Jeediyey

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in khilaafaadka doorashooyinka iyo Arrinta kornayl Caarre ku dhamaynayo Wada-hadal iyo isku tanaasul.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI, Barkhad Jaamac Xirsi oo hadal ka jeediyey Munaasibad loo sameeyay 880 Arday oo ka qalin-jebiyey Jaamacadda Hargeysa, ayaa Madaxweynaha u soo jeediyey talooyin la xidhiidha sidii xal looga gaadhi lahaa Arrimaha dalka ka taagan, waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne, Mushkiladaha ina haysta mid waa taa Doorashada oo aanu Ilaahay ka rejaynayno inaynu xal ka gaadhno, midna waa Xallinta mushkiladda bariga, iyadana waxaanu rejaynaynaa in Xal toos ah laga gaadho, si midnimada Qaranka iyo Qiimihiisuna u soo noqoto.”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay “Qolada reer Burco markay Madaxweynaha dacaadaynayso Quful iyo waxbay sheegi jireen, laakiin Annagu waxaanu leenahay Muuse Muftaax noqoto Maanta oo hawlaha inaga kala furfur, Gacantana yar fur oo Faxalnimadii hakaa muuqato..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “In badan waxa Gobollada bariga ka taagnaa arrimo siyaasi ah, Puntland waxaan leeyahay is-haysiga Xukuumadda iyo Asxaabta ha ku kadsoomina, Annaga Madaxweynahayagu waa Muuse Biixi Cabdi, Muxaafid iyo Mucaaradba isagaa Madaxweyne noo ah, isagaanu ku taageersanahay inuu Qaranka hago, marka aanu Tv-ga ka hadlayno ee aanu Maagayno waa lexejeclo ee maaha xumaan aanu u hayno maaha, isaguna inuu na dhegaysto oo uu Talada Qaranka qaato Xaq baa loogu leeyahay, markaa Puntland waxaan leeyahay waxa yaryar ee na dhex maraya ha ku kadsoomina, mashaqada aad ka waddaan Gobollada barigana faraha ka qaada.”

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo daba socda hadalka Afhayeenka WADDANI ayaa yidhi “Cadowgu wuxuu moodaa in Somaliland is-dilayso oo ay baaba’day, laakiin way ku lu’go’ayaan sidii Xisbiyada hore sheegeen. Khilaafaadka dhexdeena ee dhinac walba jirana waa loo talo badsanayaa, Dadka waalla dhegaysanayaa, halka dhex ayaa la isugu imanayaa iisha Allaahuna wax walba sidaas ayaynu ku dhamaynaynaa, Anigana waxa iga go’an in wax walba dul-qaad, isku tanaasul iyo Wada-hadal ku dhameeyo..”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka