Farriinta Madaxweynaha Somaliland Ee Curashada Sannadka Cusub Ee Higriga (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Shucuubta Muslimiinta ee Adduunka, gaar ahaan Ummadda reer Somaliland u diray Hambalyo iyo duco ku aaddan Curashada Sannadka cusub ee Hijriga, 1441 oo Beri ku beegan.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1441-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan beri oo Sabti ah.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan una soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgooda, shacbi iyo Xukuumadna isku duubnaadaan…”

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr.

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka