Ruushka Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Xili Suuriyaan Badani Afka Saareen Xadka Turkiga

Moscow, (HCTV) – Dawladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday xabad xoojin dhinac kaliya ah oo ka hirgasha Waqooyi-Galbeed Suuriya, halkaas oo dawladda Moscow taageerto ay ku doonaysay inay xoog kaga saarto magaalada maleeshiyaadku aadka ugu xoogan yihiin.

Dhawaaqan xabad joojinta ee ka soo baxay dalka Ruushka maanta oo Jimce ah ayaa imanaya xili shacab tiro badan oo Suuriyaan ahi ay isku dayayaan inay ka gudbaan xadka dalka ay jaarka yihiin ee Turkiga, iyagoo ka cararaya xaalada ka sii daraysa ee gobolka Idlib.

Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ayaa ka digtay talaabo milatari inay khatar galinayso saddex milyan oo gobolkaasi degan, oo kala badh ay wakhti xaadirkan galeen meelo hore ay u qabsadeen ciidamada dawlada ee daacada u ah Madaxweyne Bashaar Al-Assad.

In ka badan Nus Million shacab ah ayaa dagaaladii bilaabmay bishii April ku barakacay dalkaasi Suuriya, sida ay Sheegtay Qaramada Midoobay, halka tiro ka badan 500 qof lagu dilay dagalaadaasi.

Dawladda Ruusha ayaa qayb ka ahayd dagaalka daba dheeraaday ee dalka Suuriya ka socda iyadoo taageerta dawlada Bashaar Al-Assad, waxaanu dhawaaqan Ruushku uu xabad joojinta ku dhawaaqay ay imanaysaa xili ciidamada dawlada Suuriya ay uga sii dareen xaalada gobolak Idlib ee dalka Suuriya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.