Burco: Ciidan Bileys Ah Iyo Wadaado Wada-Socda Oo Albaabada U Laabay Maqaaxi Cuno Ethiopian Lagu Sameeyo

Burco, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah iyo Wadaado wada-socdaa ay maanta Albaabada u laabeen Maqaaxi cunto Ethiopian lagu sameeyo oo ku taala magaalada Burco.

Ilaa iyo hadda ma cada sababta keentay in maqaaxidan la xidho, mana jirto faaf faahin buuxda oo wadaadada iyo ciidanka hawsha fuliyay ay ka bixiyeen sababta meheradda loo xidhay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.