SANAAG: 3 Tahriibayaal Itoobiyaan Ah Oo Geeriyooday Iyo 15 Kale Oo Dhaawacmay

Xiingalool (HCTV) – Inta la ogyahay 3 Qof oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada ayaa Geeriyooday, 15 kalena way dhaawacmeen, ka dib markii Gaadhi ay la socdeen uu kula qalibmay deegaanka Tawakal oo hoos taga degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag.

Dadka Oromada ah ee gaadhigu la dhacay ayaa tiradooda lagu sheegay 100, waxayna doonayeen inay gaadhaan Magaalada Boosaaso oo ay uga sii Tahriibi lahaayeen dhinaca Dalka Yemen, laakiin gaadhi oo la rogmaday ayaa sababay inay Geeriyoodaan 3 Qof, 15 kalena dhaawacmaan.

Dhaawaca ayaa la geeyay Cisbitaalka degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag, sida uu Telefiishanka HCTV u sheegay Sarkaal ka mid ah Cisbitaalku.

Dadka Itoobiyaanka ah ee doonaya inay u Tahriibaan Dalalka Khaliijka oo dhex mara Somaliland ayaa waxa Tahriibaya oo gaadiid ku daabulo Rag Mukhalasiin ah, kuwaasi oo gaadhsiiya Puntland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka