Wasiirka Ciyaaraha Oo Canaantay Qurbe-joogta Reer Sanaag (Akhri)

Boorama (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland, Boos Mire Maxamed ayaa Qurbe-joogta Gobolka Sanaag ku eedeeyay inay Ummadda inteeda kale ka hadheen isla-markaana Bulshadooda ku nool Gobolka Sanaag qaarkood u soo diraan Lacago ay Cid kale ku dhibaateeyaan.

Wasiirka oo hadal ka jeediyey Magaalada Boorama ayaa sheegay in Horumar ka jiro Magaalada Boorama isla-markaana Qofka subaxdii ka soo shaqo taga Boorama uu Hargeysa ku imanayo muddo kooban, Jaamacadahana ka hano-qaadeen, laakiin taa beddelkeeda ay ka jirto Sanaag, maaddaama oo muddo dheer colaado ka jiraan.

“Waad Aragteen Qurbe-joogta 24-ka Saacadood hadlaysa, boqol Dollar oo Jaamacad lagu dhiso sooma diraan, laakiin Boqol dollar oo cid lagu guubaabinayo ayay soo diraan..” ayuu yidhi, Wasiir Boos Mire, waxaanu intaa ku daray “Waxaan halkan aad iyo aad ugala hadlayaa dhallinyarada leh waxbaanu baranay ee jooga Sanaag ee Maalin walba agtooda la isku dilayo oo garan waayay dadkiina kala qabta, iyaga laftooduna marmar soo fadhiista Warbaahinta, iyagoo dagaal ka sheekayanaya, waxaan leeyahay ku dayda reer Boorama oo sidaa horumar uga sheekeeya..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka