Wasiir Pakistani Ah Oo Koronto Qabsatay Markii Uu Weerar Afka Ah Ku Qaaday Raysal Wasaaraha India

Rawalpindi, (HCTV) – Wasiirka Tareenada ee dalka Pakistan Sheekh Rashiid Axmed ayaa naxdin ay kala soo daristay kadib markii koronto ay qabsatay xili uu u khudbadaynayey dad ka soo horjeeda talaabada Raysal Wasaaraha India Narendra Modi uu kula kacay dadka Muslimiinta u badan ee degan Kashmir qaybta ay Hindiya maamusho.

Muuqaal fiidiyoow ah oo ku faafay warbaahinta bulshada, ayaa Wasiir Rashiid Axmed, oo ka hadlayey isu imaatin uu ku qabtay hoygiisa Rawalpindi ‘Lal Haveli’ si uu u muujiyo midnimada waddankiisa ay la leedahay dadka reer Kashmir oo la soo abaabulay Jimcihii shalay (30-kii August), : ayaa markii uu yidhi Wasiirku “Hum tumhari Modi niyaton se vaqif hain (waanu ognahay ujeedadaada, Narendra Modi).”

Ayaa naxdin uu kala kulmay dabka ka qabsaday gacanta midig kadib markii makarafoonka uu gacanta biddix ku hayey ay gaadhay gacantiisa kale.

Kadib wuxuu isu diyaariyaa inuu sii wado. “Khair koi baat nahi, koi baat nahi ..” ayuu si qosol leh u yidhi, oo wuxuu sii wadaa inuu mikrofo maro yar ku haysto.

“Modi waa jalse ko nakaam nahi kar sakta (Modi kama hor istaagi karo kulankan),” ayuu ku yidhi qoslaya.

Laba maalmood ka hor, Wasiirka Tareenka ayaa saadaaliyay dagaal buuxa oo u dhexeeya Pakistan iyo India bilaha Ocotober iyo November. Isaga oo ka hadlayey dhacdo ka dhacday Rawalpindi, Axmed wuxuu sheegay in tani ay noqon doonto dagaalkii ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labada wadan, waxa uuna intaa raaciyay inuu kusii socdo wadada loo diyaar garoobo dagaalkan.

Xiisadda laba geesoodka ah ee u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan ayaa sii kordhayay tan iyo markii Hindiya ay ka takhalustay maqaamka gaarka ah ee Jammu iyo Kashmir bishii August 5.

https://www.khaleejtimes.com/international/pakistan/pakistani-minister-gets-electric-shock-while-attacking-narendra-modi

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.