Jubbaland Oo War ka soo saartay Wasiir Ka Mid Ah Oo Lagu Xidhay Muqdisho

Kismaayo (HCTV) – Maamul-gobolleedka Jubbaland ayaa war ka soo saaray Xadhigga Magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirkii Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), kaasi oo la sheegay inay qabteen Booliska Caalamiga ah ee Interpol.

Guddiga amniga ee Jubbaland ayaa kulan ay yeesheen Magaalada Kismaayo waxay Walaac kaga muujiyeen nolosha Wasiirka Amniga Jubbaland ee Shalay laga qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Guddiga Amniga ee Jubbaland ku yeesheen Magaalada Muqisho waxay soo saareen War-saxaafadeed ay kaga hadleen Xadhigga Wasiirkooda Amniga.

Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka oo dhan

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka