Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Raysal-wasaaraha Japan Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay (Akhri)

Japan (HCTV) – Raysal-wasaaraha Dalka Shinzo Abe iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa isku raacay inay sii wadaan inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan Amniga badda.

Ciidammada Difaaca ee Shiinaha ayaa xilligan Badda Soomaaliya u jooga hawl-gallo lagu dagaalamayo Budhcad-badeeda, taasina waata in la sii wada ay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Abe.

Warbaahinta NHK World Japan ayaa sheegtay in kulanka labada Masuul oo ka dhacay Magaaladda Dekedda leh ee Yokohama ee dalka Japan uu Raysal-wasaaraha Japan uu Madaxweynaha Soomaaliya ku bogaadiyey dedaalladeeda ku aaddan Nabadgalyada iyo amniga Gobolka, taasi oo ay ku jirto la dagaalanka Argagixisada iyo Budhcad-badeeda.

Raysal-wasaaraha Japan wuxuu ballan-qaaday in Dawladdiisu sii wadayso taageerada dedaallada socda, halka Madaxweynaha Soomaaliyana uu ka mahad-celiyey Taageerada Dawladda Japan ee ku aaddan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal-wasaaraha Japan ayaa ka wada qayb-galay Shirka Horumarinta Afrika ama TICAD oo Jimcihii lagu soo gebogabeeyay Magaalada Yokohama.