Somaliland: Askar Lagu Eryay Balwadaha Qaadka Iyo Sigaarka

Hargeysa (HCTV) – Taliska Ciidammada Dab-damiska Somaliland ayaa shaqada ka ruqseeyay lix ka mid ahaa Ciidammada Dab-damiska ee Degmada Axmed Macalin haaruun ee Magaalada Hargeysa.

Askarta Shaqada laga ruqseeyay oo tiradoodu dhan tahay Lix ayaa lagu eedeeyay inay ku gafeen Xeer-hoosaadka Hay’adda Dab-demiska Somaliland, kaasi oo qodobbadiisa ka mid yihiin inaan Askariga lagu arkin karin Balwadaha ay ka mid yihiin Qaadka iyo Sigaarku.

War ka soo baxay Taliska Ciidammada Dab-damiska Somaliland oo lagu baahiyey Internet-ka ayaa u qornaa sidan “Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL ayaa Maanta ka ruqseeyay Xubinimadii & Masuuliyadii ay Ciidanka Dabdemiska u hayeen Lix Xubnood oo ka tirsan Xarunta Ciidanka Dabdemiska ee Degmada Axmed Macallin Haaruun ee Magaalada Hargeysa.

Haddaba, gudida asluubta iyo anshax-marinta Ciidanka dab-demiska qaranka oo u kuur galaya habsami socodka hawlaha shaqo iyo heeganka xarumaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka hawl gal qarsoodiya oo ay ku tageen Degmada Axmed Macallin Haaruun 27-29/8/2019 ayaa waxey ku soo xaqiijiyeen xubnahan oo meelo kala duwan si dhuumasho ah jaad iyo sigaar ugu cunayey xilli ay ku guda jireen shaqada habeenimo ee heeganka xaruntaasi.

Xubnahan la rusqeeyay ayaa loo cuskaday Xeer hoosaadka Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Qodobkiisa 19 aad Farqaddiisa 1aad, Qodobkaas oo lidi ku ah falka ay ku kaceen isla-markaana odhanaya “Lama Ogola isticmaalka Balwadaha kala duwan cunitaankooda iyo Qaadashoodaba, Xubintii lagu arko isagoo Cunaya, Cabbaya, Qiijinaya ama sita waa Eri Toosa. “

Magacyada xubnaha shaqada laga ruqsadeeyey ayaa kala ah:-

  1. Amiin Ibraahim Cabidlaahi Taliye Xigeenkii xarunta Ciidanka Dab-demiska ee xarunta Axmed M/Haaruun.
  2. 2.Cawil Xaaji Ismaaciil Muuse Xubin
  3. 3.Cabdi Jirde Jaamac – Xubin
  4. 4.Mustafe Saleebaan Jaamac – Xubin
  5. 5.Cabdiwaaxid Faysal Axmed – Xubin
  6. 6.Maxamed Maxamuud Jaaquur – Xubin

Guud ahaan Balwadaha ama Maandooriyaasha ayaan loo ogoleyn in ay isticmaalaan xubnaha Ciidanka Dab-demiska maaddaama aan xubintu gudan Karin waajibaadka iyo hawl-maalmeedka shaqo.

Dhanka kale, maandooriyashan ayaa halis ku ah waddankeena, taasoo sabab u noqotay in dhaqaale burbur ku yimaaddo Qoysas badan, iyadoo laga duulayo dhibaatada iyo waxyeelada ay leeyihiin balwadahaasi oo laga mamnuucay xubnaha ka mid noqonaya Ciidanka Dab-demiska Somaliland inaanu u lahayn dhamaman balwadahaas aynu kor ku soo xusnay, Sidaa daraadeed xubinta lagu arko aanu ka sii mid ahaan karin Ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland..”

Taliska Dhexe Ee Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland.