Kabul: Qarax Daaliban Sheegatay Oo Dilay 16, Dhaawacayna 119

Kabul (HCTV) – Qarax loo adeegsaday Gaadhi oo Xalay ka dhacay Magaalada Kabul ee Caasimadda Dalka Afganistan ayaa waxa ka dhashay khasaare laxaadle.

16 Qof ayaa ku dhintay, 119 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii gaadhigu qarxay isla-markaana dabkii ka baxayey uu qabsaday Kaalin Shidaal, taasi oo iyaduna Qaraxday, sida Warbaahinta Caalamiga ahi soo werisay.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Xaafadda Green Village oo ah Guryo isku kaambool ah oo ay deggan yihiin hay’adaha gargaarka iyo Ururrada Caalamiga ah, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha Afganistan oo Magaciisu yahay Nasrat Rahimi.

Masuuliyadda Qaraxan ayaa waxa markiiba sheegatay Kooxda Daalibaan, waxayna sheegeen inay gudaha Xaafadda Green Village ku dileen Ajaanib badan oo halkaa ku sugnaa, isla-markaana burburiyeen Guryihii ay degganaayeen Shaqaalaha Hay’aduhu iyo xafiisyadii ay ku shaqaynayeen ee halkaa ku yaallay.

“Waxaanu burburinay dhammaan Dhismayaashii ay deganaayeen Ajaanibku iyo Xafiisyadii ay ku lahaayeen Green Village..” ayay Daaliban sheegtay.

Dadka Khasaaruhu ka soo gaadhay Weerarkan ayaa loo daad-gureeyay Cisbitaallada u dhow goobtaasi, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha guduhu, waxaanu tilmaamay in dhimashadu intaa ka badan ka karto, maaddaama oo Dadka dhaawacu soo gaadhay oo Carruuri ku jirtaa ay badan tahay.

Dad badan ayaa ku hor urursan Cisbitaalka Italian ee Magaalada Kabul, iyagoo war ka sugaya Dadkoodii ay jeclaayeen ee dhibaatadu ka soo gaadhay Weerarkan.

Qaraxan ayaa imanaya Maalin ka dib, markii Ergayga Maraykanka u qaabilsan wada-hadallada Daaliban uu shalay soo bandhigay heshiis ay wada gaadheen Daaliban, kaasi oo dhigaya in Maraykanku uu Shan Saldhig kala baxo Ciidammadiisa jooga Afganistan.

Mr Zalmay Khalilzad ayaa Qodobbada Heshiiska oo lagu gaadhay Dalka Qadar wuxuu shalay u soo bandhigay dawladda Afganistan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka