Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Cambaareeyey Weerarada Ka Dhanka Ah Dadka Ajaanibka Ah

Johannesburg, (HCTV) – Madaxweynaha Koonfurta Africa Cyril Ramaphosa ayaa cambaareeyey weeraro lagu qaaday dadka ajnabiga ah ee dukaamada ku leh magaalo ganacsiyeedka Johannesburg ee dalka Koonfurta Afrika oo halkaas oo maalintii labaad dhismayaal dab la qabadsiiyey.

Ciidamada Bileyska ayaa rasaasta caaga ah u adeegsaday kuwa weerarka ku haya dadka ajnabiga ah ee dalkaasi jooga waxaanay sidoo kale ciidamada bileysku ay todoba qof ka soo xidheen magaalada Alexandra, maalin ka dib markii isku dhac uu dhexmaray iyaga iyo kuwa boobka haysanayey, waxaanay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Koonfurta Afrika ay ku waramaysaa in la bartilmaameedsaday ajaaniib dukaamo ku laha meelo ka mid ah caasimada.

“Waxaan ugu baaqayaa Wasiirka amaanka in kuwa amaanka kharbudaada ku haya uu si dhaw ula soctdo oo ay talaabo ka qaadaan sidii lagu joojin lahaa,” ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray “Wax cudurdaar ah ma laha qof kasta oo reer Koonfur Afrika ah oo weerara dadka ka yimid wadamada kale.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.