USA: 25 Qof Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Dooni + Daawo Sawirro

USA (HCTV) – Sida la xaqiijiyey 25 Qof ayaa ku dhintay Dooni ku gubatay Badda Gobolka California ee dalka Maraykanka.

Sida ay sheegeen Ciidammada ilaalada Badda ee koonfurta California, waxa la helay Meydadka 25 Qof oo ku dhintay dabka ka kacay Doonta, waxaana bedbaaday shan ka mid ahaa Shaqaalaha Doonta, halka illaa hadda 9 Qof la la’yahay halka ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Dabka ka kacay Doonta gubatay ayaa bilaabmay Saacadihii hore ee habeenka Salaasadu soo galaysey, xilli ay doonto maraysay Jaziiradda Santa Cruz.

Santa Cruz waxay 145KM galbeed ka xigtaa Magaalada Los Angeles.

Doontan oo ahayd Doon Ganacsi ayaa waxa saarnaa 39 Qof, waxaanu dabku bilaabmay xilli ay hurdeen Dadkaasi, taasi oo ah sababta khasaaraha sii badisay.

Ciidammada ilaalada Xeebaha ee California ayaa sheegay in Dadka dhintay tiradoodu dhan tahay 25 Qof.

Illaa hadda lama garanayo waxa keenay Dabka Doonida Gubay, laakiin waxa la bilaabay baadhitaan arrintaa la xidhiidha.

Sawirro laga soo qaaday Xeebta ku dhow halka Doontu ku gubatay ayaa ku tusaya Dadka Jaziirrada Santa Cruz oo ubaxyo dhigaya ay ugu baroor-diiqayaan Dadka dabkaa ku geeriyooday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka