Bas Siday 60 Rakaab Ah Oo Miino La Kacday, 14 Dhintay & Tirada Dhaawaca

Mali (HCTV) – Ugu yaraan 14 Qof ayaa ku dhintay, ka dib markii Qarax lala beegsaday Gaadhi Bas ah oo Rakaab saarnaa, gudaha Gobolka Mopti ee Dalka Mali, Salaasadii Shalay.

Sidaa waxa xaqiijiyey Wasiirka Amniga ee Dawladda Maali, sida ay baahisay Al-jazeera oo Horn Cable Tv uu Warkan ka soo xigtay.

Wasiirka Amniga ee Dawladda Maali, Salif Traore ayaa sheegay inay Qaraxa lala beegsaday Baska Rakaabka siday ay ku dhinteen 14 Qof, kuna dhaawacmeen 24 Qof oo kale.

Baska oo ay la kacday Miino ku aasnayd Jidka uu marayey ayaa siday Rakaab gaadhaya Lixdan Qof, sida Wasiirka Amnigu sheegay.

Dadka dhaawacmay, 7 ka mid ah ayaa xaalad khatar ah ku sugan sida Wasiirka laga soo xigtay.

Sonef oo ka mid ah hawl-wadeennadii Baska Miinadu la Kacday ayaa sheegay in Basku ka soo ambo-baxay Magaalada ku yaalla Badhtamaha Gobolka Mopti ee Douentza, kuna sii jeeday Magaalada Gao, isla-markaana siday 60 Rakaab ah.

Wasiirka Amniga Mali ayaa sheegay in Ciidammadu wadaan sidii ay Gaadhiga hoostiisa uga soo saari lahaayeen Meydadka weli ku soo hoos jira.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Dadkii Qaraxan ku dhaawacmay ay Caawiyeen Ciidamo ka mid ah Millatariga Maali oo ku safrayey Jidka Qaraxu ka dhacay ee Miinadu ku aasnayd, waxaana Wararka qaarkood sheegayaan in Miinada Baska la kacday ahayd mid loogu Talo-galay Ciidammada.

Ugu dambayn, Ciidammada Qaramada Midoobay ee Nabad-ilaalinta u jooga Maali ayaa Cambaareeyay Miinada Jidka lagu aasay ee la kacday Baska, laakiin weli ma jirto Cid sheegatay masuuliyadda weerarkan.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka