Akhri: “Ninkii Raba Guddoomiyaha Kulmiye, Isagoon Reerna Dabada Ku Hayn Ha Soo Abaabusho Kooxdiisa..” Maayar Muraad

Burco (HCTV) – Maayarka Magaalada Burco, Maxamed Cabdiraxmaan Muraad ayaa ka hadlay Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE oo ay weli su’aali ka taagan tahay Siyaasiga loo dhiibi doono, maaddaama oo loolan arrintaa la xidhiidhaa uu si hoose uga dhex socdo Xisbiga KULMIYE.

Maayarka Magaalada Burco oo la waydiiyey su’aal u dhignayd inaan weli Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi aanu Xilka Guddoomiye-nimo ee xisbiga Kulmiye ku wareejin Beesha uu Maayarku ka soo jeedo, ayaa sheegay in aanay sax ahayn in la yidhaahdo ‘Beel Heblaayo ama Shaqsi hebel ayaa Guddoomiyaha xisbiga lagu wareejiyey’, maaddaama oo qofka doonaya inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu xaq u leeyahay inuu u ololeeyo ee aanay ahayn inuu Beel dabada geliyo.

Maayarka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE maaha Haydh tuule la isku wareejinayo, maaha Haydh Tuule la odhanayo Hebeloow ku wareeji hebel ama uu odhanayo waxaan ku wareejiyey hebel, wakhti bay leedahay, Olole ayay leedahay, Ninkii doonaya inuu Xisbiga Guddoomiye ka noqdo ha soo ciyaaro, Reer baa lagu wareejinayaa ama Qof baa lagu wareejinayaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waa wax aan jirin..”

Maayarka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Cidda Rabta (Guddoomiye-nimada Kulmiye) iyadoon Reerna dabada ku hayn ha soo abaabusho kooxdiisa, Xildhibaannadiisa, marka Shirka Golaha dhexe la isugu yimaaddo ee Guddoomiyaha la dooranayo ololihiisa ha ciyaaro, laakiin wax reerka Aan Anigu ka soo jeedo uu leeyahay Annagaa leh ee keena sax maaha..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka