Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Xarunta Tareenada Djibouti

HomeSomali News

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Xarunta Tareenada Djibouti

Booliska Ciraaq Oo Rasaas U Adeegsaday Dibadbaxayaal Dawladda Ka Soo Horjeeda
Faransiiska: Saddex Qof Oo Lagu Dilay Weerar Mindi Loo Adeegsaday
Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Xubno Wasiirro Cusub
Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Mashruuca Lagu Hirgelinayo Aagga Cashuuraha Ka Caagan ee Dekedda Berbera
Dab-Ridka Dabaaldega Dhalashada Boqorada Ingiriiska Oo La Joojiyey

Jabuuti, (HCTV) – Weftigii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hoggaaminayey oo maalintii saddexaad ku sugan dalka Jabtuui ayaa maanta booqday laba xaruumood oo kala ah Telecom Djibouti iyo xarunta tareenada ee dalka Jabbuuti.

Waxa weftiga Madaxweynaha Somaliland kormeerkaasi ku wehelinayey wasiirada Xanaanada xoolaha, beeraha iyo biyaha, gaadiidka, warfaafinta ee dalka Jabbuuti iyo masuuliyiin kala duwan. Waxaana weftiga madaxweynaha Somaliland xarumaha uu booqashada ku tagay ku soo dhaweeyey madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee goobahaasi.

Ugu danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu saxeexay buugga lagu qoro madaxda soo booqatay xarunta Telecom DJabuuti, iyadoo masuuliyiinta xaruntuna madaxweynaha ay gudoonsiiyeen hadyad ka kooban astaanta dhaqanka iyo hiddaha jabuuti.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS