Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay Inay Dalka Keeni Doonto Shidaalka

Berbera, (HCTV) – Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay dalka keeni doonto shidaal Baatrool ah, sidaa darteedna waxa ay ugu baaqday Ganacsatada inay macaamiil u noqdaan si ay uga sii iibiyaan dadweynaha.

Sida lagu sheegay War-saxadeed Ogaysiin ah ka soo baxay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Haamaha kaydka shidaalka Berbera, Xasan Axmed (Embassy).

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan;-

“Duco iyo salaam ka dib, waxaan idiinku wargalinayaa in laga bilaabo bisha October 1-deeda ay dawladdu ku talo jirto inay soo dejiso shidaal baatrool ah. Sidaas darteed, waxaan idinku marti qaadaynaa, anaga oo qadarin iyo xushmad weyn idiin hayna, in aad noqotaan macaamiishii (dealers)  naga iibsanaysa baatroolka si aad idinkuna shidaalka suuqa uga sii iibisaan iyada oo laydin saari doono faa’iido macquul ah. Aad iyo aad ayaanu idiinku dhiirigelinaynaa in aad arintaas nagala shaqaysaan.

Waxaan haddaba idinka codsanaynaa in aad sida ugu dhakhsaha badan noogu soo gudbisaan jawaab aqbalaad ah oo aad ku muujinaysaan rabitaankiinna arintan la xidhiidha iyada oo ay jiri doonaan heshiisyo aynu arrintan ka wada geli doonaa maalmahan.

Haddii ay qaar idinka mid ahi ay ka baaqdaan jawaab togan oo ay ka bixiyaan arrintan (positive response) hadhow fursad la siin maayo marka shidaalka Bot uu yimaado, ee cida ballanqaadkooda aanu hada helo ayaan noqon doonta macaamiisha aan wax ka iibino hadhow.

Xasan Axmed (Embassy), BOT General Manager

Berbera, Somaliland.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.