Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Noqday

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay socdaal ugu maqnaa dalka Jabuuti ayaa galabnimadii maanta dib ugu soo guryo noqday Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii diyaaradii siday ay soo cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey masuuliyiinta xukuumada Somaliland oo uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo warbaahinta kula hadlay Madaarka Cigaal International Airport ayaa tafaasiil ka bixiyey qaabka uu ku soo dhamaaday safarkaasi Madaxweynaha iyo waxyaalihii ay kala kulmeen socdaalkii ay ku tageen dalka Jabuuti, Waxaanu Wasiirku tilmaamay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyey dalkaasi oo meeqaam sare ah.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Sidaad la socoteen weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee socdaalka ku tagay Jamhuuriyada Jabuuti ayaan ka mid ahaa.

Safarkaasi waxa uu ahaa safar shaqo oo Madaxweynaha Jabuuti uu casuumay Madaxweynaha Somaliland, waxa uu ahaa safar shaqo oo danaha labada dal ka dhexeeya ee walaaltinimda iyo iskaashiga lagaga wadahadalay ayay ujeedadiisu ahayd, waxaana lagaga wadahadlay, aad iyo aad ayaana la iskugu soo afgartay dhamaan waxyaalihii lagaga wadahadlay.

Wax badan oo faahfaahin ah oo halkan looga baahan yahay in lagaga bixiyo ma jirto, waxa weftigayaga loo soo dhaweeyey si aad u meeqaam saraysa, waxaan u malaynayaa in aad kala socoteen warbaahinta sida heerka sare ah ee Madaxweynaha loo soo dhaweeyey, si wanaagsan ayaanu safarkaasi ku soo dhamaaday.” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.