Maraykanka Oo Soo Bandhigay Markab IRAN Leedahay Oo Taagan Xeebaha Suuriya

Suuriya (HCTV) – La-taliyaha Amniga ee Madaxweynaha Maraykanka, John Bolton ayaa Dawladda Islaamiga ah ee IRAN ku eedeeyay inay fidinayso Argagixisonimo.

John Bolton ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray eedda ah in Tehran ay fidinayso Argagixisonimo, iyadoo qoraalkaasi uu la socday Sawirro muujinaya Markab Shidaal oo sita Calanka IRAN oo taagan meel u dhow mid ka mid ah Dekedaha Suuriya.

Markabkan oo lagu Magacaabo Adrian Darya 1  ayaa lagu arkay isagoo taagan meel u dhow Dekedda Tartus ee Dalka Suuriya.

Sawirro uu qaaday Site Light-ka Maraykanku ayaa muujinaya in Markabka Adrian Darya-1 ee sita Calanka IRAN uu taagan yahay meel laba Mayl oo keliya u jirta Dekedda Tartus ee Xeebta Dalka Suuriya, sida uu Twitter-kiisa ku baahiyey Mr. Bolton.

“Qofkii yidhaahda  Adrian Darya-1 kuma waajahayn Syria, waa mid Is-diidsiinaya..” ayuu yidhi, John Bolton.

Dawladda Ingiriiska ayaa hore IRAN uga qabsatay Markab ay ku eedaysay inuu Suuriya u siday Shidaal, kaasi oo sababay in IRAN qabsato Markab Ingiriisku leeyahay, Tallaabooyinkaasi oo Xaaladda Khaliijka Carabta ka taagan sii adkeeyay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka