Berbera: 8 Ka Mid Ah Wakiillada Maraakiibta Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Berbera (HCTV) – 8 Qof oo ka mid ah Shaqaalaha ka hawl-galayey Xafiisyada Wakiillada Maraakiibta ee Magaalada Berbera ayaa Xabsiga loo taxaabay.

8-da Qof ee la xidhay ayaa la sheegay inay ka dhego adaygeen  Awaamiir ka soo baxay Xukuumadda, gaar ahaana Wasaaradda Ganacsiga, sida uu sheegay Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa inaanu Saaka soo xidhnay Wakiillada Maraakiibta, tirada xidhana waa 8 Shaqaalaha..” ayuu isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo la hadlayey Warbaahinta Dawladda

Isku-duwuhu wuxuu faahfaahiyey Sababta loo xidhay 8-da Qof “Nimankaasi waxay Baal-mareen Sharcigii iyo Awaamiirtii Dawladda, waxay diideen inay fuliyaan oo way ka dhego-adaygeen Digreetadii Wasiirka Ganacsiga..” ayuu yidhi, isku-duwuhu.

Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee G. Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi.

Wakiillada Maraakiibta ayaa hore shaqo-joojin  u sameeyay, ka dib markii Xukuumaddu amartay inay wax ka dhimaan Kharashaadka ay ka qaadaan Alaabooyinka ay Ganacsatada uga soo dejiyaan Maraakiibta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka