Edna Aadan Oo Kulamo La Yeelatay Masuuliyiinta Dalka Canada

HomeSomali News

Edna Aadan Oo Kulamo La Yeelatay Masuuliyiinta Dalka Canada

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Bilowday Dhismaha Waddo Cusub
Somaliland Oo Ku Kaliyeysatay Shir Ay La’ Lahayd Somalia
War-bixinta Roobabkii Karanta Ee Somaliland Ka Da’ay Bilihii July Illaa September, 2019
Kornayl Ka Mid Ahaa Taliskii Maxamed Siyaad Barre Oo Maxkamaddi Xukuntay
Soomaaliya: Hay’adda NISA Oo Qarixii Muqdisho Ku Xidhiidhisay Dal Shisheeye

Toronto, (HCTV) – Drs Edna Aadan oo ah ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somalia iyo Somaliland oo booqasho ku joogta dalka Canada oo ay casuumeen ururka  Canadian Somaliland affairs committee oo ah urur dhalinyaro ah oo ay xubno ka yihiin Guuleed Axmed Cagdheere, Xasan Daahir Aadan, Axmed Xaaji Cali iyo xubno kale oo badan.

Waxaanay Edna Aadan intii ay dalkaasi ku sugnayd ay la kulantay Masuuliyiinta dawlada Hoose ee Toronto iyagoo ka wadahadalay arimaha Somaliland iyo sidoo kale wadankaasi Canada gaar ahaana arimaha Jaaliyada iyo sidoo kale arimaha dhaqan dhaqaalaha.

Drs Edna Aadan ayaa intii ay ku sugnayd dalkaasi waxa ay sidoo kale la kulantay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay kulamo la yeelatay masuuliyiinta magaalooyinka Canada gaar ahaana magaalada Toronto.

Sida ay muujinayso xog ay telefishanka HCTV la wadaageen ururkaasi Canadian Somaliland Affairs Committee.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS